Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud  iyo wafdigiisa ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay ka soo qeyb galeen Shir Madaxeedkii Dowladaha Afrika iyo Shiinaha oo lagu qabtay magaalladda Johansburg ee dalka Koonfurta Afrika.

Shirkaasi waxaa looga hadlay Horrumarinta Xiriirka Dowladaha Africa iyo Shiinaha,  gaar ahaan Iskaashiga dhinacyada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, wuxuuna kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Shiinaha oo ay ka wada hadleen Xiriirka Taariilhiga ee u dhexeeya Labada Waddan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka si  diirran ugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan, wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.

© Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor