Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Balan Qaaday In Dowladiisa Ay Dayactiri Doonto Dhismaha Ku Burburay Colaada Hiiraan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday in Dowladiisa oo taageero ka heleysa dalal kale ay dib u dayactiri doonan Dhismaha ku burburay Dagaaladda Deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu Warbaahinta ka maqlo mar waliba dad badan oo jecel Nabadda sidaas daraadeedna ay diyaar u tahay Dowladiisa sida colaada meesha looga saari lahaa.

Hadalkan waxa uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay booqdeen Shalay Isaga iyo dhigiisa Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Magaaladda Beledweyne.