Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ka wada hadley amniga, horumarinta iyo iskaashiga gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ku soo laabtay Muqdisho, ayaa waxa uu inta uusan ka soo ambabixin magaalladda Addis kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn..

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadley xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhanka amniga gobolka, labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen muhimadda isku dubbaridka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo bishan dhammaadkeeda ay madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kulan ku yeelan doonaan magaalada Djibouti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya oo haatan ka soo kabsaneysa colaado muddo dheer socdey, ay diyaar u tahay inay iskaashi iyo wax wada qabsi buuxda la yeelato dalalka gobolka.

Ra’iisul Wasaarahe Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo si buuxda u soo kabsatey, gobolkana kala shaqeysa dhinacyada amniga, la dagaalanka argagaxisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee horumarinta.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ay ka wadahadleen kulan madaxeedkii shaley dhammaadey ee Midowga Afrika, oo laga soo saarey go’aano wax looga qabanayo xasaradaha qaaradda ka jira iyo ajendaha horumarka Afrika.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socdey labada dhinac, waxaana uu ku soo dhammaadey jawi is-afgarad leh.

MADAXWEYNAHA IYO RW ETHIOPIA 1 MADAXWEYNAHA IYO RW ETHIOPIA 2 MADAXWEYNAHA IYO RW ETHIOPIA 5 MADAXWEYNAHA IYO RW ETHIOPIA 3 MADAXWEYNAHA IYO RW ETHIOPIA 1afhayeenka

—————————-DHAMMAAD—————————

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so