Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta oo mar kale ku kulmaya magaalada Nairobi

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta la rajeynayaa iney mar kale ku kulman magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay la kulmay Uhuru Kenyatta balse ma jirin wax la isku afgartay,fashil ayuuna ku soo idlaaday kulankasi,balse Maanta ayay doonayan in markale ay kulman.

Arinta ugu weyn oo ay ka doodayan ayaa ah xeritaanka xerada Dhadhaab iyo dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida ah.

Kenya ayaa dhawaan shaacisay iney xireyso xerada Dhadhaab marka la gaaro bisha November iyada oo ka cabaneysa amni darro iyo dhaqaalaheeda oo hoos u dhacay kadib markii ay kordhen weerarada Al Shabab ee Kenya.

Ku dhawaad 130 kun oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool xeryaha qaxootiga Kenya waxa ayna qaarkood halkasi ku noolayen muddo ka badan 20 sanno.