Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geele oo Maanta Gaaray Beledweyne

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geele ayaa Maanta gaaray Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadda Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa aad u adkeeyay Ammaanka Magaaladda Beledweyne oo ay ku sugan yihiin Wafdiga Madaxweynayaasha ay la socdaan.

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geele ayaa soo kormeeri doona Xarumaha Ciidamadda Jabuuti ay ku leeyihiin Magaaladasi.

Dhawaan waxa Halkasi booqday taliyaha ugu sareeya Ciidamadda Dalka Jabuuti.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor