Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhaxal-sugaha Amiirka Abu Dhabi oo ka wada hadlay Ammaanka iyo Dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga dalka Iimaaraadka Carabta waxa uu la kulmay Dhaxal-sugaha Amiirka magaalladda Abu Dhabi, ahna Taliye-xigeenka Milliteriga dalkaasi, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Alnahyaan.

Kulankaasi oo ka dhacay Qasriga Xeebta “Beach Palace”, waxay Labada Mas’uul ka wada hadleen Xiriirka Labada dal iyo qaababka loo horumarin karo Danaha labada dal iyo labada shacbi.

Kulankaasi waxaa kaloo looga hadlay doorka Dowladda Imaaraadka Carabta ee lagu xaqiijin karo Mashaariicda Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Samafalka ee laga wado Somalia.

Madaxweynaha iyo Dhaxal-sugaha Amiirka Abu Dhabi waxay kaloo ka wada xaajoodeen taageeradda Dowladda Imaaraadka ee dhinacyadda Ammaanka, Horumarinta iyo soo-celinta Deganaanshaha Somalia iyo sidii ay labada Dowladood isaga kaashan lahaayeen qeybaha Dhaqaalaha, gaar ahaan dhinacyadda Xoolaha nool, Beeraha iyo Gaadiidka.

Wargeyska Gulf Today ayaa qoray inuu Madaxweynaha Somalia warbixin ka siiyey Sheekh Maxamed Bin Zaayid Alnahyaan Horumarka Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia, gaar ahaan Ammaanka iyo Deganaanshaha.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay weli jiraan cabsida Argagixisadda, wuxuuna Dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad celiyey dadaalkooda socda ee lagu xaqiijinayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Dhaxal-sugaha Amiirka magaalladda Abu Dhabi, ahna Taliye-xigeenka Milliteriga dalkaasi, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Alnahyaan waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Alnahyaan ka taageerayaan Ummadda Soomaaliyeed sidii looga guuleysan lahaa Argagixisadda iyo Colaadaha.

Dhaxal-sugaha Amiirka magaalladda Abu Dhabi waxa u uu xaqiijiyey Madaxweynaha Somalia inay Dowladda Imaaraadka sii wadayso taageeradda ay siiyaan Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ku bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh dadaalka uu sameeyey afartii sanno ee uu xilka hayo.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor