Madaxweyne Xasan Sheekh: “Duqeyn ama Dhagax ha lagu dilo wax farqi ah ma samaynayso, Ciiddankeenna wey ka qeyb galeen Hawlgalkaasi”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo faahfaahin ka bixiyey dagaalladda ay Ciiddanka Qalabka Sida iyo AMISOM  la galeen Alshabaab.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka Qaranka, Xasan Sheekh Maxamuud  oo caawa la hadlay Radio Dalsan ayaa si qoto dheer uga hadlay Hawlgalka Wadajirka ee ay Ciiddanka Qalabka Sida, Milliteriga Maraykanka iyo kuwa AMISOM waayadan kula jiraan Alshabaab, wuxuuna xusay inay Alshabaab dagaal kula jiraan Caalamka, iyagana lagu jira dagaalkaasi oo kale.

“Komaandooska Somalia guulo ayey gaareen, dagaalladdana wey socdaan, waxaana Alshabaab lagula dagaalamayaa Goballadda Jubbooyinka, Shabeelooyinka, Bay, Bakool iyo Gedo” ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku daray inay Dowladda Somalia iyo Beesha Calaamka ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu tilmaamay inay Dowladda Federalka faraxsan tahay in guulo laga gaaaray dagaalka Caalamiga ee ay Ciiddanka Qalabka Sida, AMISOM iyo Maraykanka kula jiraan Alshabaab, dagaalkaasina waxa uu isugu jiraa dagaal dhinacyadda dhulka iyo cirka.

Madaxweynaha waxaa kaloo wax laga weydiiyey inay Dowladda Federalka iyo Maraykanka sheegteen inay ka dambeeyeen dilkii Xasan Cali Dhoore oo ka tirsanaa Saraakiisha Alshabaab, wuxuuna Madaxweynaha jawaabtiisa ku soo koobay: “Duqeyn ha lagu dilo ama Dhagax ha lagu dilo, wax farqi ah ma samaynayso, Ciiddanka Qalabka Sida Hawlgalkaasi kaalin weyn ayey ku lahaayeen”.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Federalka waxa uu tilmaamay inay Shacabka Soomaaliyeed ka baxayaan daruufo adag, una jiheysteen Wanaagga, wuxuuna ku booriyey inay ku kalsoonaadaan Dowladda Federalka, Diinta iyo Dadka saaxiibadda ee u soo gurmaday.

“Waa inaan lagu kadsoomin dacaayadda kuwa caddowga Soomaaliyeed faafinayaan, iskana ilaaliyaan in la qaldo” ayuu yiri Madaxweynaha oo mar kale u hambalyeeyey Ciiddanka Komaandooska oo uu qiray inay fuliyeen Hawlgallo lagu guuleysteen o odan u ah Ummadda Soomaaliyeed.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor