Madaxweyne Xasan Sheekh: “Alshabaab wey kala qeybsameen oo xubno ka tirsan ayaa taageeray Kooxda Daacish”.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu Wakaalladda Wararka ee AP ku siiyey Madasha Shirka Caalamiga ee “Global Business Forum’ ee maalintii Labaad ka socda magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo Shirkaasi  looga hadlayo Fursadaha Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Qaaradda Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in xubno ka tirsan Alshabaab ka jabeen, kuwaasi oo taageeray Kooxda Daacish ee isku magacowda Dowladda Islaamka, ee ku sugan qeybo ka mid ah dalalka Iraq iyo Syria.

Wareysiga uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siiyey Wakaalladda Wararka Maraykanka ee Associated Press “AP” waxa uu ku soo hadal-qaaday Ururadda Alqaacida iyo Daacish, isagoo sheegay inay yihiin koox qeyb ka ah waxa uu ugu yeeray “Ciiddanka Sharta ”.

“Aragtiyadda “Ideologicies” ma laha Dad Gaar ah iyo Xuduud Gaar ah. Waxay ku wareegaan Adduunka halka ay ka qabsan karaan” ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku daray in Ururradda Alqaacida iyo Daacish  yihiin dad isku mid, kuwaasi oo  mar kastaba magacooda bedela”.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu  hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay  in la fashiliyo Ururradda Alqaacida iyo Daacish.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay inay Dowladiisa doonayso in Xal Siyaasadeed lagu dhameeyo dagaalladda Alshabaab ee ku-dhawaad tobanka sanno socda.

“Hal arrin waa la hubaa, ma qorsheynayo inaan qori keliya ku dhamayno Dagaalka Alshabaab, waxaa mar kasta jirayso Dib-u-heshiisiin” ayuu yiri Madaxweynuhu, wuxuuna dhinaca kale  qiray inay mar hore natiijo ka gaareen La-xaajoodka Alshabaab

Waxa uu tilmaamay in tiro badan oo Saraakiil Dhexe oo ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab la heshiiyeen Dowladda Federalka, kuwaasi oo dib ugu soo laabtay xaalladda caadiga, waa sida uu hadalka u yiri.

Xigasho: AP

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor