Madaxweyne Xasan Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Burci Maxamed Xamza

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru Dowlahii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Degaanka Soomaaliya, oo ku geeriyooday dadkii ku dhintay qaraxii Hotel Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo keygaba, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu shahiiday Marxuum Burci Maxamed Xamza, Waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay dalkiisa iyo shacabkiisa. Waxaa uu ahaa nin arrimaha degaanka ee Soomaaliya iyo sidii loo dhowri lahaa dadaal gaar ah u galey, isla markaana magaca Soomaaliya ku darey dalalka sida weyn looga qiimeeyo arrimaha degaanka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

_____________DHAMMAAD________________

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor