Madaxweyne Xasan Oo Cambaareeyay Weerarkii Garoonka Diyaaradaha Istanbul

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud , ayaa si adag u cambaareeyay Weerakii kooxda Argagixisada ah ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaayay Weerakaas mid waxuushnimo ah, waxa uuna xusay in ujeedka Argagixisadu leedahay ay tahay in ay laayaan Dadka maatida ah, loona baahan yahay in caalamku ay u Midoowaan ladagaalan kooxaha Caadeestay Daadinta Dhiiga Dadka aan waxba Galabsan.

Xasan Sheekh ,ayaa tacsi u direy Madaxda Dowladda Turkiga iyo ehelada dadkii ku dhintay weerakaas, sidoo kalana wuxuu alle uga baryay in uu deg deg u bogsiiyo kuwa ku dhaawacmay Falkaas Argagixisnimo.

“Anigoo ku hadlayo magaca Umada Soomaaliyeed waxaan Tacasi udirayaa Madaxda Dowlada Turkiga iyo Shacabkii ay wax yeelada ka soo gaartay weerarka kooxda Argagixisada ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Istanbuul,waxaana alle ugu baryaa Dadkii ku dhaawacmay in alle Deg deg caafimaad siiyo, ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Weerarka ka dhacay garoonka Diyaaradaha Istanbuul waxaa ku Naf waayay 31 ruux, waxaana sido kale ku dhaawacmay 147 kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor