Madaxweyne Xasan iyo madaxda maamul goboleedyada oo tagay Caleemo_saarka Geele

Madaxweyanaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa Maanta ka qeybgalaya xaflada caleemo-saarka madaxweyne Ismaciil Cumar Geele.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha Puntland,madaxweynihii isaga ka horeeyay Cabdiraxman Faroole,madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo iyo madax kale ayaa halkasi ku sugan.

Ismaciil Cumar Geele ayaa dhawaan markale ku guuleystay doorashada madaxtinimada Jabuuti.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor