Madaxweyne Xaaf,oo Maanta la kulmaya Masuuliyiin ka tirsan Ahlusuna Wal-Jamaaca

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa Maanta ku wajahan deegaanka Mareer Gur oo duleedka ka ah deegaanka Godinlabe.

Ujeedada safarka Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanka mareer Gur uu kula kumi doono wafdi ka socda Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Madaxtooyada Galmudug ayaa xaqiijisay in madaxweyne Xaaf uu wadahadalo Mareer Gur kula yeelan doono Xubno ka socda Maamulka Ahlusuna Wal-Jamaaca oo ka soo horjeeda siyaasada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne xaaf,ayaa markii la doortay waxa uu sheegay in uu dib u heshiisiin ka dhex sameyn doono Shacabka degaanada Galmudug,iyo waliba in uu wadahadal la sameyn doono Ahlusuna Wal-Jamaaca.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media