Madaxweyne Xaaf,oo Goordhow Xildhibaanada Galmudug horgeeyay Golihiisa Wasiirada

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowald Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow xildhibaanada Maamulkaas horgeeyay Golihiisa Wasiirada ee uu dhawan Magacaabay.

Xildhibaanada Galmudug ayaa haatan  kusugan Madaxtooyada Galmudug ee Magaaalda Cadaado,waxaana sidoo kale ku sugan Madaxweyne Xaaf,waxa uuna sheegay in uu xildhibanad k codsanyo in ay ansixiyaan Golaha wasiirada.

Ka hor kulanka ayaa waxaa la arkayay xildhibaanada oo si kala Gooni Gooni ah u shiraya,iyada oo la soo sheegayo inj ay jiraan xildhibaano didan golaha Wasiirada Cusub ee la soo Magacabay kuwaas oo u badan kuwii uu horay u Magacaabay CabdiKariin Guuleed.

Haatna Madaxweyne Xaaf ayaa Khudbad halakaasi ka jeedinaya waxana la filayaa in la guda galo cod u qaadista wasiirada oo a sugayo in ay ansixiyaan ama diidaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media