Madaxweyne Waare oo la kulmay Xildhibaanada Maamulka Hir-Shabeelle

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo shalay Gelinkii dambe dib ugu laabtay Magaalada Jowhar isaga oo ku sugnaa Muqdisho ayaa la kulmay Xildhibaanada Maamulkaas.

Madaxweyne Waare ayaa Xildhibaanada Hir-Shabeelle kala hadlay sidii ay u ansixin lahaayeen Golihiisa Wasiirada cusub ee uu dhawaan Magacaabay balse aan weli la’ansixin.

Kulanka Xalay Jowhar ka dhacay  oo mudo saacado ah socday ayaa waxa uu daba socday kadib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo mooshin ka keenay Golihiisa Wasiirada kaas oo ah in dib loogu laabto.

Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu Xildhibaanada Hir-Shabeelle horgeeyo Golihiisa Wasiirada si ay u ansixiyaan ama ay u diidaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media