Madaxweyne Waare oo Goordhow gaaray Buulo-Burde

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow safar dhinaca Cirka ah waxa ay ku tageen Magaalada Buulo-Burde ee Gobolkaasi Hiiraan.

Markii uu halkaasi tegay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buulo-Burde ku soo dhaweeyay Maamulka degmada Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Madaxweyne Waare ayaa inta uu ku sugan yahay Buulo-Burde waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas.

Sidoo kale waxaa la filayaa in uu tago degmada Jalalaqsi ee isla Gobolkaasi Hiiraan sida uu horay u shaaciyay waxaana labadaasi degmo ay yihiin kuwo Go’doonsan.

Goordhow la socda Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media