Madaxweyne Obama oo Madaxda Ethiopia kala hadli doono Ammaanka Somalia iyo La-dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago dalka Ethiopia, marka uu Fiidnimadda caawa dhamaysto booqashadda uu ku joogo dalka Kenya.

Madaxweyne Obama ayaa lagu wadaa inuu Madaxda Dowladda Ethiopia iyo Ururka Midowga Afrika kala hadlo Hawlgalka AMISOM iyo Dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab.

Madaxweyne Obama oo muddo hal maalin ah joogi doona Addis Abeba, waxa uu la kulmi doonaa Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Hailemariam Desalegn Boshe, wuxuuna khudbad ka jeedin doona Xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalladda Addis Abeab.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Tewolde Mulugeta ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Maraykan ah booqasho ku yimaado Ethiopia.

Haweeneyda Madaxda ka ah Ururka Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma waxay booqashadda Obama ku tilmaamatay mid Taariikhi ah, laguna xoojinayo xiriirka Maraykanka iyo Qaaradda Afrika.

Susan Rice oo ah La-taliyaha dhinaca Ammaanka ee Madaxweyne Obama ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Obama muhiimad gaar ah siinayo La-daagaalanka Alshabaab iyo Kooxaha ku sidkan iyo sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad buuxda.

Sannadkan 2015-ka, Maraykanka waxay Kenya siiyeen 100 million oo Dollar oo ah taageeradda La-dagaalanka Alshabaab, wuxuuna Madaxweyne Obama u ballanqaaday Dowladda Kenyaa Taageero Dhaqaale oo dheeraad ah, si ay ugu guuleystaan Hawlgalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Socdaalka Madaxweyne Obama ku marayo Geeska Afrika ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka Somalia la waareegeen Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab maamuli jireen dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor