Madaxweyne Obama oo Hoggaamiyayaashaa IGAD kala hadlaay Arrimaha Somalia iyo South Sudan

Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama oo haatan ku sugan caasimadda dalka Ethiopiaa ee Addis Abeba waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Hoggaamiyayaal ka kala tirsan Urur-gobaleedka IGAD.

Kulankaasi oo uu Madaxweyne Obama la qaatay dhigiisa dalalka Uganda, Kenya, Ra’isul-wasaarahaEthiopia iyo Haweeneyda Guddoomiyaha u ah Ururka Midowga Afrika “AU”-da.

Madaxweyne Obama waxa uu Madaxda IGAD ku bogaadiyey dadaalka ay ku jiraan Nabadda dalalka Somalia iyo South Sudan, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay dadaalkooda ku aadan sidii xal dhamaystiran looga gaari lahaa Colaadaha ka aloosan dalka South Sudan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Obama iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa ka wada hadlay Xuquuqda Aadanaha, Dimuqraadiyadda iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay inay taageersan yihiin Hawlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab, isagoo si gaar ah u xusay inay Milliteriga Ethiopia kaalin fiican kaga jiraan Hawlgalkaasi.

Waxa kaloo uu sheegay in aan loo baahnayn in Mariniska Maraykanka loo soo diro La-dagaalanka Alshabaab, maadaama ayuu yiri Ciiddanka AMISOM qabteen Hawl adag, loona baahan yahay in Alshabaab lagusii wado Cadaadiska Milliteri, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Obama ayaa lagu wadaa inuu maalinta Talaadada dib ugu laabto Washimgton kadib, markii uu booqasho ku soo maray dalalka Kenya iyo Ethiopia.

© Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor