Madaxweyne Obama oo Guul Ku Sheegay Dagaalka Ka Dhan Ah Al Shabab

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in qaabka Alshabaab lagula dagaalamo gudaha Somalia tahay qeyb ka mid ah guulaha laga gaaray La-dagaalanka Alshabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Maraykanka ayaa u sheegay Wargeyska The Washington Post in guushaasi muujinayso sida uu u socdo Iskaashiga La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Sarkaalka waxa uu xusay inay Diyaaradaha Droneska Maraykanka bilihii la soo dhaafay ay  dileen dhowr ka tirsan Madaxda Sare ee Ururka Alshabaab

Khubarada ayaa rumeysan in Maamulka Maraykanka guulo ka gaareen Hawlgalladda lagu ugaarsanayo Hoggaamiyayaaaha Ururka Alshabaab iyo Alqaacidada ku sugan dalka Yemen.

Keneth Menkhaus oo ah Khabiir ku tahasusay Arrimaha Somalia, ahna Professor wax ka dhiga Davidson College ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inusan jirim qorshe waxtar u ah Somalia  kadib ,marka lagu guuleysto weeraradda Alshabaab.

Dowladda Maraykanka waxay Somalia ugu deeqday ku-dhawaad 1 BILLION oo Dollar tan iyo sannadkii 2007-dii, iyadoo Kharajkaasi iyo saanad Milliteri la gaarsiiyey AMISOM iyo Ciiddamadda Qaranka Somalia ee SNA.
Dhinaca kale, Maraykanka waxay dib-u-eegayaan Istaraatijiyadooda ku aadan Hawlgalka lagula dagaalamayo Kooxxaha loogu yeero Argagixisadda Geeska Afrika, iyadoo Maraykanka ka walaacsan yihiin weerarkii u dambeeyey ee ay Alshabaab dhawaan ka geysteen Jaamacaadda Garissa, laguna dilay ugu yaraan 147-qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor