Madaxweyne Macron oo Ra’iisul Wasaare Dal ku Eedeeyay inuu ka been sheegay

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison uu ka been sheegay heshiis la laalay.

Madaxweynaha oo la waydiiyay in uu u malaynayo in Mr Morrison uu yun sheegayey iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: “Uma malaynayo, waan ogahay.”

Mr Macron ayaa aad uga cadhooday ka dib markii Australia ay baabi’isay heshiis ku kacaya $37bn (£27bn) oo lagu dhisayo 12 markab oo badda quusa, taa beddelkeedana ay heshiis cusub oo difaac ah la gashay Mareykanka iyo UK – gaar ahaan waxa loogu yeedho Aukus.

Ra’iisul Wasaare Morrison ayaa waxaa uu dafiray in aanu daacad ahayn, Kulankii labadooda ee G20 ayaa ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii uu khilaafku soo shaac baxay bishii September.

Dhinaca isu imaatinka Rome, ayaa madaxweyne Macron waxa uu weriye Australian ah weydiiyey inuu mar kale aamini karo Mr Morrison iyo in kale.”Waan arki doonaa waxa uuu la yimaaddo,” ayuu ku jawaabay Mr Macron.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor