Madaxweyne ku xigeenkii Khaatuma oo xilka laga qaaday

Kulan ay Maanta magaalada Buuhoodle ay ku yeesheen Xubnaha Golaha Wakiilada Maamulka Khaatuma ayaa waxa ay xilkii uga qaadeen madaxweyne ku xigeenkii Maamulkaas.

Kulanka oo Maanta ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa lahor geeyay mooshin ay horay madaxweyne ku xigeenka Khaatuma Cabdalla Maxamuud Heybe uga soo gudbiyeen tiro xildhibaano ah.

Maxamuud Sheekh Cumar oo ah gudoomiyaha Baarlamanka Khaatuma ayaa sheegay in Cod aqlabiyad ah looga qaaday Xilkii Madaxweyne ku xigeenka ayna ansixiyeen 18 Mudane.

Xiriir ayaan la sameynay Madaxweyne ku xigeenka si aan wax uga weeydiino xilka qaadista lagu sameeyay balse kama uusan jawaabin taleefoonadeena.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media