Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Kenya oo Ka Soo Horjestay Darbiga Laga Dhisayo Xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenkii Hore ee Dalka Kenya ahna Hogaamiyaha Xisbiga Wiper Party Kalonzo Musyoka ayaa ka hor yimid Go’aanka Dowladda Kenya ay ku dhiseyso Darbiga Laga dhisayo Xadka Kenya ay la wadaagto Dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Darbigas uusan wax ku soo kordhin doonin Amniga Kenya iyo laga hortago in Al Shabab ay gudaha u gasho Dalkasi.

Waxa uu yiri ‘’ haddii Dowladda ay Darbi ka dhisto Xadka waxaan la yaabanahaay Isliina ma mid kale ayaa laga dhisi doonaa bal isweydiiya Imisa darbi ayaan u baahnan doonaa inan dhisano si Al Shabab looga hortago’’ ayuu hadalkiisa Raaciyay Kalozo Musyoka.

Kenya ayaa hore u shaacisay iney si deg deg ah u dhisi doonto darbigasi oo loogu talo galay in lagu xadeeyo Dagaalamayaasha Al Shaba bee ku qul qulaya Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor