Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegsanayo Dib-u-dejinta Shaqaalaha Afganistan ee la shaqayn jirey Ciiddanka Maraykanka ee ku sugnaa dalkaasi tan iyo sanadkii 2001-dii.
Shaqaalahaasi iyo Qoysaskooda ayaa la filayaa in loo soo daad-gureeyo dalka Maraykanka, iyadoo 2,500 oo qof dabayaaqada bishan la dejin doono Saldhiga Milliteriga Maraykanka ee Fort Lee ee Gobalka Virginia.
Sidoo kale, Madaxweyne Joe Biden waxa uu ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegdan doono Maalgashiga Xukuumadda Maraykanka ee ku Aadan dardar-gelinta Hawlahaasi.
Dhinac kale, Aqalka Wakiilada Maraykanka waxay shalay ansixiyey in tirada dadka Reer Afganistan ee la dejinayo Maraykanka la gaarsiiyo 8,000 oo qof kuwaasi oo la siinayo Fiisooyinka Khaaska ee Muhaajiriinta (Special Immigrants Visa (SIV).
Shaqaalihii Reer Afganistan oo ay ku jiraan kuwa Turjumaanka u ahaa Hawlgalkii Milliteriga Maraykanka ayaa la sheegay in iyaga iyo Qoysaskooda loo daabuli doono Maraykanka, si ay uga badbaadeen cabsi-gelinta Kooxda Daalibaan.