Madaxweyne Joe Biden oo 300,000 Muhaajiriin ka dhaafay Tarxiilka                             

Qoraal uu Madaxweyne Joe Biden soo saaray ayaa lagu shaaciyey in Muhaajiriintaasi loo kordhiyey Fasaxa Shaqo iyo Badbaadinta ee Ka-hortaga Masaafurinta ama Tarxiilka (The extension of the work permit and protection against deportation).

Go’aankaasi ayaa waxa uu khuseeya 300,000 oo Muhaajiriin si sharci-daro ugu nool Maraykanka,  kuwaasi oo ka soo kala jeeda 6 Waddan oo kala ah: Sudan, El Salvador, Haiti, Honduras, Nepal iyo Nicaragua.

Maamulka Biden waxa uu shaaciyey in Muhaajiriintaasi loo oggolaaday inay ka shaqeystaan, kuna noolaadaan Maraykanka tan iyo bisha December 31-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.

Dhinaca kale,  Waaxda Ammaanka Gudaha ee Maraykanka  (The U.S. Department of Homeland Security) ayaa waxaa ay soo saartay Qoraalka muddo kordhinta ee Muhaajiriinta loo fidiyey Badbaadinta KMG (The Temporary Protected Status), isla markaana mar hor la diiwaan geliyey Muhaajiriinta ka soo jeeda dalalka Sudan, El Salvador, Haiti, Honduras, Nepal iyo Nicaragua.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Joe Biden la wareegay Talada dalkaasi bishii Janaayo ee sanadkan waxa uu Cafis Joogitaanka KMG u fidiyey 500,000 oo Muhaajiriin aan Sharci lahayn, kuwaasi oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia,  Syria,  Yemen iyo Myanmar.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor