Madaxweyne Guuleed oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Mudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Cabdikareem Xuseen Guuleed ayaa Magacaabay Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Mudug iyo ku xigeenkiisa.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Guuleed ayaa Xilkas loogu Magacaabay Cabdirashiid Xaashi Cartan iyada oo ku xigeenadiisana loo Magacaabay Cabdi Xuseen Sheikh Axmed oo noqonaya Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo arrimaha Siyaasada,Axmed Maxamed Shire oo noqonaya Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada iyo  Maxamed Cali Adan oo loo Magacaaabay Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu qabtay Munaasabad lagu soo dhaweeyay Magacaabista Masuuliyiintasi waxana ka qeybgalay Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor