Madaxweyne Gaas oo xilalka ka xayuubiyey Taliyayaashii Ciidamada Booliiska iyo Birmadka ee Puntland.

Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, waxa uu maanta soo saaray Wareegto uu Xilalka uga qaaday  Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland,  Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf “Af-guduud” iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Puntland, G/sare Cismaan Xasan Cuuke (Af-dalow).

Xil-ka-qaadista  ayaa timid, kadib markii uu Madaxweyne Gaas Guddi u saaray  dhacdadii ka dhacday magaalada Boosaaso 5-May 2016 iyo dhibkii wadashaqayn la’aaneed ee ka dhex jirey ciidanka Booliiska dhexdiisa,  dhacdadaas iyo wadashaqayn la’aantaas oo  sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas, waxa uu xilka Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland. si KMG ugu magacaabay  Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Shire Faarax Ereg.

Wareegtadda Xilal-ka-qaadista:

WAREEGTO PUNTLAND©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor