Madaxweyne Gaas oo oggolaaday Heshiiska Nabadda, balse diidan La-kulanka dhigiisa Galmudug.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas oo barqanimaddii maanta Kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Waqooyiga Gaalkacayo ayaa oggolaaday Heshiiska Nabadda Gaalkacayo, oo uu Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid soo bandhigay.

Heshiiskaasi waxaa horey u oggolaaday Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed, waxayna kala yihiin qoddobadaasi:

  1. -Xabbad joojin
  2. Ciidamada oo la kala qaado
  3. Dadkii qaxay oo la soo celiyo
  4. Wada hadal dhab ah oo la galo

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa weli ka biyo-diidsan inuu si toos ah ula kulmo Dhigiisa Galmudug, inkastoo ay haatan Ergo Caalami ah cadaadis ku saarayaan sidii uu u oggolaan lahaa Wada-xaajood uu la galo C/kariim Guuleed.

Wafdiga Caalamiga ee Gaalkacayo gaaray waxaa ka mid ahaa Nicholas Kay, Ergayga EU-da ee Somalia, Safiirka Britain u joogta Somalia, Jeneral Gabre iyo Madax ka socota Ururka IGAD

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor