Madaxweyne Gaas oo looga yeeray Addis Abeba.

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa barqanimaddii maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe, wuxuuna gaaray caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Madaxweyne Gaas waxaa la filayaa inuu la kulmo Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopa, Tedros Adhanom Ghebreyesus  iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Midowga Afrika “AU”, Urur-gobaleedka IGAD, QM iyo Dowladaha daneeya Arrimaha Somalia.

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu ku soo beegmay dhowr maalmood kadib, markii uu fashilmay Dadaal ay Wakiiladda Beesha Caalamka ee Arrimaha Somalia ku doonayeen inay Madaxda Puntland ku qanciyaan inay oggolaadaan Nidaamka Doorashooyinka iyo Awood-qeybsiga 4.5 oo ay Soomaali inteeda kale taageereen.

C/weli Gaas oo isagu lagu doortay Doorasho Beeleed ayaa iminka diidan in Nidaamka Doorashadda lagu saleeyo Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5

Si kastaba ha ahaatee, Wiictaanka Madaxweyne Gaas ee magaalladda Addis Abeba ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay Cadaadis-saarka Dowladaha deriska oo ay iyaga horey u soo dhaweeyey Nidaamka Doorashadda ee dabayaaqadda sannadkan ka dhici doonta Somalia.

Beesha Caalamka waxay horey u sheegeen in Hoggaamiyihii ka hor yimaada Nidaamka Doorashadda Somalia  loo aqoonsan doono Qas-wade caqabad ku ah Ammaanka iyo Aayaha Qaranka Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor