Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Muranka Xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalladda Nairobi ayaa waxay sheegeen inuu Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Gaas markii ugu horreysay ka hadlay Qaddiyadda Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Kenya.

Madaxweyne Gaas oo Kulan Khaas ah la yeeshay Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ka soo jeeda Puntland, Jubbaland iyo W/bari Kenya ayaa u sheegay inaysan Dowladda Federalka xaq u lahayn inay ka hadasho Qaddiyadda Badda, kuna tumatay Sharciga iyo Dastuurka Qaranka.

Madaxweyne Gaas ayaa fadhigaas ka sheegay in Dowladda Jubbaland oo keliya lagala tashan karo muranka xuduud-baddeedka, maadaama ay Jubbaland maamusho xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay, waa sida laga xigtay Madaxweyne Gaas.

Hadalkiisa ayaa waxa uu u muuqda inay Maamulladda Puntland iyo Jubbaland isbahaysigooda gaaray inay mucaarad ku noqdaan Doodda la xiriirta Milkiyadda Badda Somalia, oo ay Dowladda Federalka bishan 13-deii u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas waxa uu ka hadlay Qaddiyadda Maamul-gobaleedka cusub ee Galmudug, wuxuuna xusay inaysan oggolaan doonin Maamulkaasi oo uu xusay in loo dhisay in lagu carqaladeeyo Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo booqasho dhowr maalmood ah ku joogi doona magaalladda Nairobi, ayaa waxa uu qorsheysan inuu Kulamo la yeesho Diplomaasiyiinta iyo Madaxda Hay’addaha QM ee ka hawlgala gudaha dalka Somalia.

Mar uu Saxaafadda kula hadlay inta uusan ka soo ambabixin magaalladda Garowe waxa uu sheegay inuu Dowladda Kenya kala hadli doono sidii ay taageero uga geysan lahaayeen La-dagaalanka Argagixisadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor