Madaxweyne Farmaajo”Waxaan garab taaganahay dowladda Masar si ay uga adkaato Argagaxisada”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey qaraxiiargagixisada ay ka geeysteen dalka masar, gaar ahaa masaajidul Rowdah oo ku yaalla waqooyiga magaalada Siinaay  ee dalkaasi, kaasi oo ay ku dhinteen 235 ruux, ayna ku dhaawacmeen 109 qof, kuwaasi oo dhammaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan ahaa.                                              

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, waxuuna dadka dhintay uu alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg ku bogsiiyo.                                     .

“Aniggoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa  dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay  masar, waxaana ku garab siineynaa siddii argagixisada qeybo kamid aduunka dhibaatada ka wado uga adkaan laheyd, qaraxa maanta salaadda khudbada kadib ka dhacay Masjidul Rowdah waxay muujineysaa ficilada xun ee kooxaha Argaggixisada waana wax ka hor imaanayo diinta Islaamka ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media