Madaxweyne Farmaajo”Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya wuxuu xoojin doonaa Xiriirka ka dhaxeeya labada dal”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefanka ugu hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abi Ahmed oo maanta oo isniin ah loo dhaariyay Xilka Ra’iisal wasaarenimo ee dalkaasi.

“Waxaan u xaqiijiyay inaan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado Ganacsiga,maalgashiga iyo in la xoojiyo Amniga Gobolka,waxaana shaki ku jirin in Ra’iisal wasaare Aby Ahmed xoojin doono wada shaqeynteena,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya mar uu khadka Taleefanka kula hadlay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa Ra’iisal wasaare u doortay Abi Axmed,waxaana mar uu maanta ka hadlayay Munaasabadda xilka loogu dhaarinayay  sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal,iyada oo loo marayo wadada wada xaajoodka.

Bishii March 27, 2018, Xisbiga haya talada wadanka Ethopia ayaa Abi Axmed u doortey inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga kadib markii uu xilka iska casiley Raysal wasaarihii hore ee Hilamariam Desaglen kadib markii wadanka ka dhaceen kacdoono badan oo looga soo horjeeday maamulkiisa kuwaasoo ay hor kacayeen Qowmiyadda Oromada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media