Madaxweyne Farmaajo,oo Maanta Kismaayo ka Dhagax dhigay Xarun Muhiim ah

Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxa uu dhagax dhigay Xarun heer Federaal ah oo laga dhisaayo Magaalada Kisamayo.

Xaruntaan ayaa waxaa Xafiisyo kala duwan ka dhex sameysan doona Wasiirada Dowladda Soomaaliya si ay ugu Shaqeeyaan Shacabka ku nool gobolada jubbooyinka,waxaana tani ay jawaab u tahay hadalkii Xafladii Caleemo-Saarka ee Madaxweyne Xaaf uu Axmed Madoobe,ka sheegay ee ahaa in dowlada ay Xarumo ka furato Xarumaha maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Xaruntaan ay muhiim u noqon doonto Shacabka ku nool deegaanada Maamulka Jubbaland islamarkaana ay ka heli doonaan wixii ay uga baahdaan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa habeenkii labaad ku hoyan doona Magaalada Kismaayo,isagoo Maanta ilaa Caawa siiwadi doono kulamo uu la yeelanayo madaxda Jubbaland iyo Bulshada Kismaayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media