Madaxweyne Farmaajo,oo ka qeyb galay Munaasabad lagu furayay Dekad Cusub D/Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) oo weli ku sugan dalka Jabuuti ayaa  Maanta dalkaasi uga qeybgalay Munaasabad xariga looga jarayay Dekad cusub oo laga dhisay Gudaha dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Jabuuti waxaana kulan ay ku yeesheen Gudaha dalkaas ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo xiriirka dhanka dhaqaalaha ah oo labad dal dhexmara.

Inta ay munasabada socotay madaxweyne Farmaajo,oo goobta ka hadlay ayaa dowladda jabuuti,waxa uu uga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Shacabka Somaaliyeed islamarkaana Ciidamo ku howlgala Magaca Amisom ay ku sugan yihiin Degmooyinka ka tirsan Gobolka hiiraan.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa Munaasabada Xarig jarka kadib waxa uu kulamo gooni Gooni ah la leeyahay masuuliyiinta dalkaasi Jabuuti,waxana la filayaa in Safarkaan kiisa xiga uu ku tago Magaalada Doxa ee Wadanka Qadar

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media