Madaxweyne Farmaajo,oo ka hadlay Geerida Sheekh Shariif Cabdinuur

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan oo ka mid ahaa culumaa’udiinka ugu caansan Soomaaliya.

War laga soo saaray Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in marxuum Sheekh Shariif Cabdinuur uu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.

“Inaa lilaahu wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda muslimka ah, gaar ahaan qoyska iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan. Sheekhu waxa uu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.”

Marxuumka oo xalay ku geeriyooday magaalada barakeysan Makka Al-Mukarrama ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxaa uu ka mid ahaa culumada ugu miisaanka culus Geeska Afrika, cimrigiisa oo idilna ku bixiyay faafinta diinta Islaamka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Sheekh Shariif Cabdinuur inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna sabar iyo iimaan ka siiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media