Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Waxgaradka Caabudwaaq

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu kulamo la yeeshay waxgaradka Degmadaasi.

Waxgaradka ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrimo dhawr ah oo degmada Caabudwaaq u baahan tahay, sidoo kalena waxay madaxweynaha ku booriyeen shaqooyinka uu hayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan u ambabaxo dhanka degmada Hobyo oo ay ku sugan yihiin wafdi horudhac u ah madaxweynaha.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo oo kasoo bilowday deegaannada Puntland ayaa hadda kusoo gabagabeynaya Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media