Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka dalka Belgium ee Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa Talaadada manta ah waxa uu Warqada Aqoonsiga safiirnimo ka gudoomey safiirka dalka Belgium ee Somalia.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa,iyada oo safiirka dalka Belgium ee Somalia Nikolas Nihon uu balan qaaday in uu la Sahqeyn doono  dowladda Soomaaliya.

Dowladda Belgium ayaa ka mid noqoneysa dowladaha taageersa Soomaaliya,isla markaana tan iyo burburkii ka dib Soomaaliya u soo dirsata Safiir matala dalkeeda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media