Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay Beesha Caalamka in loo Midoobo Dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha oo haatan booqasho ku jooga dalka Ethiopia, waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Addis Abeba.

“Cabsidan ma aha mid u gaar ah Somalia, balse waxay xitaa saamaynaysaa dalalka deriska” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mar uu ka hadlayey ujeedada Socdaalka uu ku tegay Ethiopia, waxa uu carrabka ku dhuftay inay tahay si uu Dowladda Ethiopia uga codsado Taageero iyo inay u midoobaan La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Kumanaan Askar Ethiopian ah ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo aan badankooda qeyb ka ahayn Hawlgalka AMISOM, waxayna Saldhigyo ku leeyihiin Goballadda Bay, Bakool iyo qeybo ka tirsan Goballadda Dhexe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media