Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortey ee dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa ka mid noqday madaxda hambalayda u direysa Rajab Dayib Urdugan oo markale loo doortay Madaxweynaha dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doorashadaas ku tilmaamey mid taariikhi ah,isla markaana Shacabka iyo dowladda turkiga ay ugu hambalyeeynayaan doorashada Madaxeyne Rajab Dayib Urdugan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Rajab Dayib urdugan iyo dowladiisa ay taariikh fog ku leeyihiin Soomaaliya kana mid ah Wadadama xiriirka wanaagsan aan la leenahay.

Turkiga ayaa ah dowladii ugu horeysay ee Shacabka Soomaaliyeed u soo gurmatay Sanadkii 2011 markii dalka Soomaaliya ay ka dhacday abaartii badneyd,iyada oo Madaxeyne Rajab Dayib Urdugan uu yimid Muqdisho isaga iyo Xaaskiisa si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed,isaga oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaaraha turkiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor