Madaxweyne Farmaajo oo U Dhoofay Dalka Turkiga

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ka duulay diyaarad ay saarnaayeenn wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo oo u dhoofay dalka Turkiga, Kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa madaxweyne Recep.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar ah la qaadan doono madaxda Turkiga oo uu kala hadli doonaa xiriirka labad dal iyo sidii loo xoojin lahaa, iyadoo dowladda Turkiga ay ka mid tahay dowladaha taageero Soomaaliya.

Xildhibaano wasiiro ka tirsan xukuumada ayaa garoonka ku sii dhaweeyey madaxweynaha oo u duulay Turkiga, waana safarkii Shanaad oo uu dalka uga dhoofo Farmaajo tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media