Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyay Socdaalkiisii soona gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Faramjo ayaa Gelinkii dambe ee Maanta waxa uu soo gaba gabeeyay socdaal qaatay mudo 17 Cishoah oo uu ku tegay deegaano ka mid ah Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdalkiisii ugu horeeyay waxa uu ku tegay Magaalada Garoowe isaga oo helay soo dhaweyn tii ugu weyneyd ee lagu soo dhaweeyo madaxweyne soomaaliyeed tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa soo maray deegaano kale oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug,waxa uuna Dhuusamareeb uga qeyb galay munaasabad ay ku midoobeen Ahlusunna iyo Galmudug.

Sidoo kale  Madaxweyne Farmaajo ayaa Maanta tegay Magaalada Cadaado,isaga oo Magaaladaas ka dhigay Xartunta Baarlaamnka Galmudug ay ku shiraan si uu ugu qanciyo beesha degta oo tabasho ka qabtay heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ay ku saxiixdeen dalka Jabuuti.

Isla Maanta Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu safarkiisii ku soo gaba gabeeyay Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug,isaga oo dhagax dhigay dekada Magaaladaas taas oo la doonayo in dib loo furo.