Madaxweyne Farmaajo oo soo gaabiyey Safarkiisa, amarna ku bixiyey Baaritaanka dilkii Wasiir Cabaas.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Ethiopia ayaa soo gaabiyey  Safarkiisa, si uu uga qeyb galo Aaska Qaran ee loo samaynayo Wasiirkii Hawlaha Guud ee XFS, Cabaas Cabdullahi Siraaji, oo xalay lagu dilay agagaarka Xarunta Villa Somalia.

Qoraal uu Madaxweynuhu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ee Villa Somalia ayuu ku sheegay in uu uga tiiraanyeysan yahay geerida Wasiir Cabaas. Waxa uu ahaa qof dhallinyaro oo Waddani ah.

 @TheVillaSomalia  

Pres Farmaajo, “I am deeply saddened by the death of minister Abass. He was young, diligent and patriotic”

Madaxweynaha waxa kale oo uu Twitterka ku soo qoray inuu soo gaabinayo Socdaalkiisa Ethiopia, si uu uga qeyb galo Baroor-diiqa iyo inuu ka qeyb galo Aaska Qaran ee loo samaynayo Marxuum Wasiir Cabaas.

 

 @TheVillaSomalia  

“I am cutting short my visit to Ethiopia to mourn with my country and take part in the state burial of minister Abass”

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Twitterka soo dhigay Amar uu ku siiyey Madaxda Hay’addaha Ammaanka inay sida ugu dhaqsaha badan loo baaro dilkaasi iyo in la hubiyo sidii DEmbiilayaasha loo hor keeni laaha Sharciga.

@TheVillaSomalia

“I’ve ordered the security heads 2 immediately get to the bottom of this unfortunate tragedy & make sure the perpetrators r brought to book”

   

Dilka Wasiirkii Hawlaha Guud ee XFS, Marxuum Cabaas Haajir C/llaahi Siraaji ayaa waxaa ka wada naxay dhamaan Bulsho-weynta Soomaalida.

Marxuumku waxa uu ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Golaha Wasiiradda ee Ra’isul-wasaare Kheyre.

Ilaaladda Hanti-dhowraha Qaranka,Nuur Faarax Jumcaale ayaa la xaqiijiyey inay ka dambeeyeen dilkaasi, kuwaasi oo haatan ku xiran Villa Somalia, waxaana ku socda Baaritaano Adag.

Qoyska Wasiir Cabaas ayaa ka codsaday Dowladda Federalka in Baaritaan dhab ah oo dhamaystiran lagu sameeyo falka lagu dilay Wasiirka iyo in Sharciga la soo taago kuwii ka dambeeyey dilkaasi.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media