Madaxweyne Farmaajo oo Shir uga qeybgeli doona dalka Ivory Cost

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay Kenya uga qeyb galay Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Kenya oo marlabaad doorashdii dhacday ku soo baxay ayaa waxa uu u ambabixi doonaa dalkaa Ivory Cost.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalkaasi uga qeyb geli doona shir looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan xiriirka Labada qaaradood,iyo sidoo kale ay qeyb ka tahay xaalada Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb geli doona Masuuliyiin ka kala socota Wadamada Qaarada Afrika iyo sidoo kale Midowga yurub kuwaas oo isla gorfeyn doono arrimo ay ka mid yihiin falalka arxandaradah ah ee ka socda dalka Libya iyo arrimaha Tahriibka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media