Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu Kulan miro-dhal noqday la yeeshay dhigiisa Turkiga.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga ayaa ka mahad celiyey Taageeradda Dowladda Turkiga ee dib-u-dhiska Somalia.

Waxa uu sheegay inay Turkiga taageero muhiim ah ka geystaan Yabooha la siinayo Somalia, gaar haan Hawlaha Dib-u-dhiska Somalia.

“Somalia waa sii wadi doontaa inay indhaha ku hayaan Taageeradda xiriirkaasi” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo  oo intaasi ku daray inuu Kulan miro-dhal noqday la yeeshay Madaxweyne Erdogan

Mar uu ka hadlayey natiijadda kulankooda waxa uu sheegay inay kala saxiixdeen dhowr heshiis oo kala duwan, sida Horumarinta iyo Is-dhaafsiga Dhaqank.

Waxa kale oo uu soo hadal-qaaday Isbahaysiga Ganacsiga ee labada waddan oo uu sheegay inuu si dhaqso leh u korayo., gar ahaan Xiriirka Ganacsiga iyo Wareegyadda Hawlaha Ganacsiga.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu maanta shir-guddoomin doonaa Shirweyne looga hadlayo Ganacsiga Turkiga iyo dalalka Afrika oo lagu qaban doono Caasimadda Turkiga ee Ankara.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media