Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in horumar laga gaaray Kulankii uu la yeeshay Boqorka Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuuna xusay in Kulankii uu la yeeshay Boqor Salmaan Bin C/casiis ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana ay Labada Waddan horumar ka sameeyeen xoojinta Xiriirkooda soo-jireenka ah.

“Wada-hadal miro-dhal ah ayaan la yeeshay Boqor Salmaan oo ku aadan xoojinta xiriirka u dhexeeya Labadeenna Dal, Waxaana uga mahad celinayaa soo-dhaweyntiisa iyo marti-gelintiisa” ayuu Madaxweyne Farmaajo ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu magaalladda Jeddah Kulan Khaas ah la yeeshay Dhaxal-sugaha Sacuudiga,  Amiir Maxamed Bin Salmaan, ahna Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay Labada Mas’uul ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo waxyaabihii ugu dambeeyey ee Xiisadaha ka taagan Mandiqadda.

Kulankaasi waxaa Madaxweyne Farmaajo ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federalka, Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Safiirka Somalia u jooga Sacuudiga iyo La-taliyaha Madaxweyneha, Bilaal Maxamed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media