Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Markii Saddexaad u safray Sacuudiga tan iyo Doorashadiisii

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii Maanta ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu Casuumad ka helay Boqorka dalka Sacuudiga isla markana uu Diyaarad qaas ah u soo diray.

Bishii February ee sanadkan dowladda Sacuudiga ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa ay  u soo dirtay diyaarad qaas ah taas oo noqoneysa Markii labaad oo uu raco Diyaarad qaas ah oo ka timid Sacuudiga.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Scuudiga ayaa ku soo aadeysa xili ay dalka ka jirto xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay kadib markii Madaxda Maamul goboleedyada qaar ay Sacuudiga ku taareen Go’aankii uu xiriirka ugu jartay dowladda Qatar.

Weli lama cadeyn waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuudiga markii uu Madaxweynaha tago dalkaas balse Warar hordhac ah oo ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in dowldda Sacuudiga laga doonayo in ay fuliso balan qaadyo ay horay ugu sameysay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ku taagan Go’aankeeda dhexdhexaadnimada ah iyada oo ay jirto Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka oo mooshin ka gudbiyay dowladda Imaaraadka oo ay ku eedeeyen in ay faragelin ku heyso Siyaasada dalka Soomaaliya.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media