Madaxweyne Farmaajo oo Maraykanka Kala Hadlay Dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dowladda Maraykanka kala hadlay arrimaha dib u dhiska ciidamada xoogga iyo dagaalka lagula jiro Alshabaab, kadib kulan uu xogahayaha Gaashaabdhigga dowladda Maraykanka Jim Mattis kula qaatay London.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Maraykanka ee arrimaha soomaaliya, gaar ahaan, qalabeynta, ciidamada  iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, si looga saro deegaanada ay ku xooganyihiin.

Xoghaye Jim Mattis ayaa sheegay inay taageersan yihiin qorshaha amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya soo diyaarisay, waxaana uu tilmaamay inay dowladda Mareykanka sii xoojin doonto arrimaha taageerida ee Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd, markii  askari mareykan ah oo ka mid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran lagu dilay warar ka dhacay  Sh/hoose, kadib howl gal ay ku taageerayeen Ciidamada Kumaandooska soomaaliya ay ku qaadeen saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media