Madaxweyne Farmaajo oo mar kale sheegay inay dejiyeen qorshe ay Alshabaab kaga guuleysan karaan.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn si wadajir ah ugu qabteen magaalladda Addis Abeba, wuxuuna xusay inay Alshabaab kaga guuleysan doonaan muddo 2-sanno ah.

Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay bishii February ee sannadkan waxa uu dhowr jeer iclaamiyey Dagaal ay Alshabaab kaga saari doonaan Deegaanadda ay ka taliyaan.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay la yimaadaan Qorshaha Dib-u-dhiska Somalia, oo ay ka dhaceen dagaallo sokeeye muddo rubuc qarni ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, waxay kaloo shirkooda Jaraa’id kaga hadleen Shirweynaha isbuuca soo socda ka furmi doona magaalladda London oo looga hadlayo Dib-u-habaynta Hawlaha Ammaanka ee Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media