Madaxweyne Farmaajo oo Maanta u duulay dalka Uganda

Duhurnimadii Maanta waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa tegi doona Magaalada Kambala ee dalka Uganda, halkaas oo uu Madaxweynaha dalkaas kala hadli doono sidii ciidamada Uganda ka socda ee jooga Soomaaliya ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalkii uu ku dhawaaqay.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu tegi doonaa Wadaamda Jabuuti iyo Itoobiya,silamid ah Uganda waxa uu Madaxda dalkaas ka dhaadhicin doonaa ka qeyb qaadashada weeraro lagu qaado goobaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya.

Arbacadii aan soo dhaafnay ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku dhawaaqay weerar loogu aargudayo sida uu sheegay qarixii khasaaraha badan geestay ee 14 Bishaan ka dhacay Magaalada muqdisho

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media