Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Saxiisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Munaasabad uu Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ku saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale waxaa Munaasabadda ka qeybgalay Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dalka iyo sidoo kale Gudoomiyaha qalka sare Cabdi Xashi Cabdillaahi iyo Masuuliyiin kale.

Sharciga Isgaariisnta Qaranka ayaa waxaa horay u soo ansixiyay xildhibaanada labada Aqal iyo Golaha wasiirada iyada oo Go’aanka ugu dambeeya uu lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo, isla markaana uu Maanta saxiixay.

9,kii Bishii Agoosto ee Sanadkaan ayay aheyd markii Xubnaha Golaha Shacabka ay ansixiyeen Sharciga Isgaarsiinta Qaranka kadib markii ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media