Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Muqdisho ka furaya Shirka Amniga Qaranka

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta la filayaa in uu ka furmo Shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galyaan Madaxda ugu sareysa dalka iyo kuwa dowlad Goboledyada.

Shirkan ayaa waxaa furi doono sida uu qorshuhu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxana goobjoog ka noqon doona inta badan Madaxda Maamul goboleedyada oo badankood ku sugan Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa Go’aamadii ka soo bxay shirkii London,iyada oo diirada lagu saari doono qorsha dib u dhiska Ciidamada, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale yareynta Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Maalinta xigta oo Berito ah kuna beegan 5,ta December ayaa sidoo kale waxaa Muqdisho ka furmi doona  shir lagu qiimeyn doono qorshaha xukuumadda,iyo sidii dhamaan Hay’addaha Dowladda uga Shaqeyn lahaayeen kobcinta Dhaqaalaha dalka iyo fulinta mashaariic horumarineed.

Diyaar garoowga shirka Maanta ayaa haatan waxaa laga dareemayaa Gudaha Magaalada Muqdisho,shirkaan oo ah mid horay loo Go’amiyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media