Madaxweyne Farmaajo oo Maanta la kulmaya Bulshada iyo Madaxda Galmudug

Madaxeeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Magaalada Dhuusa Mareeb kadib markii uu shalay uu halkaasi ku tegay Safar dhinaca dhulka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Maanta waxa uu kulan la qaadan doonaa waxgaradka Iyo Madaxda Maamulka Galmudug isaga oo kala hadli doona arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.

Diyaar garowga kulamadaas ayaa iminka ka socda Dhuusa Mareeb,waxana weli halkaasi ku soo qul qulaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya Gobolada Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusa Mareeb waxa uu furi doonaa Shirka dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo A hlusunna oo ay Goobjoog ka noqon doonaan Madax farabadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media